Isticmaalka Sahal eBanking waxaa loogu talagalay in uu kuu baajiyo waqti iyo lacagba isla markaasna ku fududeeyo howlahaaga la xiriira dhinaca xawaalada kaala dhaxeysa Sahal Express . Isticmaalkiisana waa mid fudud oo aan diyaar kuula nahay 24 saacaadood maalintii , 7 maalmood todobaadkii , 365 maalmood sanadkii isku soo duub waxaan diyaarinay adeeg xiligii aad doonaysid iyo meel walba.
Waqti iyo qiimo jaban
Isticmaalka Sahal eBanking waxay ku baajinaysaa waqti iyo lacagba.
Dhinaca waqtiga uma baahnid in aad safar u soo gasho isticmaalka adeegeena. Dhinaca qiimaha waxaad ku helaysaa commission 20% ka jaban macaamisha toos noogu yimaada.
Adeegan waxuu kuu sahlayaa in xawaaladaha aad dirsato adigana kuu sahlaanaato la socoshadeeda xisaabaadka. waxaan kuu diyaarinay statement aad daabacan kartid ama aad kuu qaadan kartid excel.
Waxaan sidoo kale meel isku keenay dadka aad u dirto xawaaldaha si ay kuugu fududaato waayo waa ognahay in waqtigaaga qaali yahay isla markaasna waxaan kuu sahalnay in aad la socota xaaladaha ay ku sugan yihiin xawaaldaha aad dirtay.
|